Deeq A. Posted January 17, 2020 Waxaa hadda xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda tartanka doorashada guddoonka, dadka u tartamaya jagada guddoomiyaha waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Gacal Dhalashada: 1966, ayuu ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud Waxbarashada: 1987, ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan 2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee afrika 2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan. DHANKA SHAQADA: Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, soo noqday hormuudka kuliyada sharciga 2013-2014 wuxu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda 2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska PM Ugu danbeyn, 2019 kii xubin guddiga dib u heshiisiinta DGGM. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites