Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey duqeyn lala beegsaday laba saldhig ay leeyihiin Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kunyo Barrow ee Gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in  duqayntan lala beegsaday laba saldhig oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunyo barrow.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse aysan shaacin Magacyadooda.

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helayo duqeymaha ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka shabeelada Hoose.

Mudooyinkii dambe ayaa diyaarado dagaal waxaa ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolada dalka qaar oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Diyaaradaha Soomaaliya duqeynta ka geysto ayaa la rumeysan yahay inay kala leeyihiin wadamada Mareykanka, France iyo Kenya kuwaas oo bartilmaameysado meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab iyo madaxdooda.

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka geysato gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilka madaxweynimo loo doortay Trump oo dhawaan saxiixay go’aan kor loogu sii qaadayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this