Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Norway oo haweeney ISIS ah iyo labo carruur ay dhashay kasoo kaxeynaysa Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Norway oo haweeney ISIS ah iyo labo carruur ay dhashay kasoo kaxeynaysa Suuriya

  • norwayIS.jpeg?ssl=1

Dowladda Norway ayaa ogolaatay in ay dalka Suuriya kasoo waddo haweeney asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan islamarkaana haysata dhalashada dalka Norway kaddib muddo bilooyin ah oo ay diidaneyd.

Haweeneydan lasoo wado iyada iyo labo carruur oo ay Suuriya ugu dhashay mujaahid ISIS ah ayaa ka hayaantay dalka Norway xilli ay jirtay da`da tobaneeyada, waxaana ay ku biirtay dagaalyahannadii ku sugnaa dalka Suuriya ee khilaafada Islaamka.

Markii kooxda ISIS lagu jabiyay dagaalkii Suuriya bartamihii sano hore ayaa waxaa ay haweeneydan iyo kuwo kale oo carruuro sita islamarkaana haysta dhalashooyin reer galbeed ah kasoo muuqdeen kaam loo sameeyay barakacayaasha.

R/wasaaraha Norway Erna Solberg ayaa xilligaas sheegtay in wixii dad waaweyn ah ee dhalashada Norway haysta ee kaamkaasi ku sugan aan lasoo wadi doonin.

Kaddib cadaadis uga yimid waddamo dhowr ah ayaa waxaa ay ku khasbanaatay dowladda Norway in ay ka laabato go`aankaasi islamarkaana ay kaxeysato muwaadiniinteeda.

Si kastaba howlwadeeno ka socda wasaaradda arrimaha dibedda iyo booliska Norway ayaa loo diray in ay soo kexeeyaan haweeneydan iyo carruurteeda, iyadoona iminka uu barnaamijkeedu marayo gabo-gabo islamarkaana saacadaha soo socda ay Norway soo gaari doonto.

Dhanka kale hay`adda daryeesha carruurta Norway ee loo yaqaa Barnevernet iyo booliska ayaa haweeneydan iyo carruurteeda ku sugeya garoonka diyaaradaha, waxaana uu qorshuhu yahay in haweeneyda ay boolisku la wareegaan, ilamahana ay hay`addaasi gacanta ku dhigto.

Sida ay qorayaan saxaafadda Norway haweeneydan ayaa lagu soo oogi doonaa dacwad la xiriirta ku biirid iyo gacan-siin urur argagixiso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this