Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay xubno Shabaab ah oo lagu dilay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in galinkii dambe ee maanta ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Mareykan ah duqeyn lala beegsaday xubno Shabaab ah ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

TV-ga Qaranka oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeyntaasi uu ahaa labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo duqeynta lagu dilay.

Duqeyntaas ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dhul miyi ah oo 25KM dhanka waqooyi uga beegan degaanka Kunyo Barrow ee gobolka Shabellada Hoose.

Warka soo baxay saraakiisha ciidanka xoogga dalka, ayaa lagu sheegay intii howlgalkaasi socday inay xaqiijiyeen inaysan wax khasaare ah ka soo gaarin dad rayid ah.

Warkan laguma shaacin magacyada xubnaha la sheegay in howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab oo lagu tilmaamay hor-joogayaal.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka iyo militeriga Soomaaliya ayaa koonfurta dalka duqeymo ugu geysta dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this