Deeq A. Posted January 16, 2020 Kampala (SMN) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay dib ugu yeereyso ku dhawaad 2,700 askari oo howlgab, si ay ugu soo diraan Soomaaliya oo ciidamo ay ka joogaan. Ciidamada cusub ee Uganda ay u soo direyso Soomaaliya ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howgalka uu taageero midowga Africa ee AMISOM. Charles Otema, taliyaha ciidamada keydka dalka Uganda, ayaa shaaca ka qaaday in wax walba oo ku saabsan dib isugu yeerista ciidamo howgab horay u noqday ay diyaarsanyihiin, isla markaana Isniinta soo aadan ay bilaabi doonaan. Sidoo kale, taliye Otema ayaa tilmaamay in ciidamada howlgabka noqday ee dib loogu yeerayo, kaliya laga qaadan doono kuwa gaarsiisan ama ka hoseeya darajada Gaashaanle. Shuruudaha ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ee howlgabka noqday ay tahay in da’dooda aysan ka hooseyn 55 sano, isla markaana uusan wax dambiyo kasoo galin dalka Uganda, sidoo kaalana uu taam yahay caafimaadkiisa maskax ahaan iyo jir ahaaneedba. Ma ahan markii ugu horeysay oo Uganda ay ciidamo howlgab noqday usoo direyso Soomaaliya, waxaana markii ugu danbeeyay ay aheyd sanadkii 2012. View the full article Share this post Link to post Share on other sites