Deeq A. Posted January 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgal ku dishay Maxamed Cusmaan Baluush, oo ahaa madaxii qaraxyadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wakaaladda wararka u faafisa dowladda ayaa shaacisay in Baluush lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Wanlweyn. SONNA ayaa intaas ku dartay in Baluush oo dagaalamay markii ciidamadda ay hareeyeen hoygiisa oo ku yaala xaafada Xudurwayne ee magaaladaas. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. Sidda ay wararku tilmaamayaan, Baluush ayaa xilka kala wareegay Maxamed Siidow, oo Mareykanku ku dilay duqeyn dhanka cirka ah 28-ka bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2019. View the full article Share this post Link to post Share on other sites