Deeq A. Posted January 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowlada Kenya, Fred Matiang oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in inta badan Al-Shabaab ay garab ka helaan dadka deegaanka gudaha dalkaasi, marka ay damacsanyihiin in weerar ay ka fuliyaan gudaha Kenya. Fred Matiang ayaa hadalkiisa intaa ku daray in laamaha amaanka ee dalka Kenya ay xog arintaasi ku saabsan hayaan, isla markaana ciidamada sirdoonka dalkaasi bilaabi doonaan howgal ka dhan dadka arintaasi lala xiriirinayo. Sidoo kale, wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa tilmaamay in laamaha amaanka aysan isku qaldi doonin dadka ka tirsan Al-Shabaab ay soo qabtaan iyo dadka la ogaado in ay ka qeyb qaataan weerarada Al-shabaab. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay wasiir Matiang in dhamaan weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanada Lamu, Garisa iyo Wajeer ay ka qeyb qaateen dadka deegaanka, isla markaana ay ka war qabaan arintaasi. Dhanka kale, inta badan macalimiintii wax ka dhigayay deegaanada iyo tuulooyinka gobolka woqooyi bari dalka Kenya ayaa bilaabay in ay isaga baxaan halkaasi, kadib cabsi dhanka amaanka ah oo soo food saartay, maadaama weeraradii ugu danbeeyay Al-Shabaab ay ku qaadeen xarumo waxbarasho halkaasina ay ku dileen arday iyo macalimiin. Weerarkii ugu dambeeyay Al-Shabaab ayaa ku qaaday iskuulka Kamuthe ee magaalada Gaarisa, halkaas oo ay ku dileen saddex macalin, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen, sidda ay qortay warbaahinta maxaliga ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites