Deeq A. Posted January 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u eegis ku sameyn doonto sharciyadda xabsiyadda. Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda, ayaa tilmaamay in xeerkan uu haatan u marayo heer gabagabo ah. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dib u habeynta lagu saleyn doono baahiyaha haatan jira. Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigay wax-qabadka 100-ka maalmood ee Taliyaha Asluubta Soomaaliya. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha Asluubta, ayaa shaaciyey in uu xafiiska baneyn doono hadii uu la imaan waayo wax-qabad. View the full article Share this post Link to post Share on other sites