Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo dhagax dhigay xarun cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc Degmada Kaxda oo lagu dhisayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo goob waxbarasho oo carruurta si lacag la’aan ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mashaariicda uu maamulka Gobolka Banaadir ka hirgelinayo Degmada ay soo dhaweynayaan, maadaama ay yihiin baahiyaha gaarka ah ee ka jirta degmada Kaxda.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada ku nool caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhagay xarunta caafimaadka ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska Caasimadda.

1-2.jpg 2-3.jpg 3-3.jpg 4-4.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this