Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo xaalad caafimaad u Cafiyay shan xukmane

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  dikreeto uu soo saaray  Cafis gaar ah ugu fidiyey shan xubnood oo dhowaan ay xukuntay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari.

Wareegtada ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu shantaasi xukmane Cafiyay, kadib markii uu xeeriyay xaaladooda caafimaad iyo da’dooda oo weyn, waxaana xusid mudan in laba kamid ah xukmanayaasha la sii daayay Isniintii todobaadkan, kadib markii ay xaalad caafimaad la soo deristay.

Shanta xukmane oo magacyadoodu kala yihiin; Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah, Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah , Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah iyo Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah, ayaa maxkamadda derejada kowaad xukuntay 5-tii bishaan January 2020.

Maxkamadda  ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500  oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe (Diraac) iyo  Cawad  Aadan Maxamed (Cawad Ceel), halka maxkamaddu ay laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar ku riday Cabdicasiis Bayadhabo iyo  Maxamuud Aadan Rooble.

Shanta xukmane ayaa xabsiga la dhigay intii u dhexaysay 30-November iyo 2- December 2019, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyada Maal-geshi ay kula jirto shirkdaha laga leeyahay waddanka Imaraatiga, balse maxkamadda ayaa  sheegtay lagu helay kicin dadweyn iyo aflagaaddo ka dhana madaxda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Deni oo xaalad caafimaad u Cafiyay shan xukmane appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this