Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay ninkii xalay lagu dilay Muqdisho ee lagu jahwareeray waxa uu ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa waxa uu ahaa nin la socday mooto bajaaj, oo isaga oo huebysan xalay lagu dilay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis.

Goobjooge ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku hubeysnaa qori AK47, waxaana toogtay askari ka tirsan ciidamada markii uu arkay in mootada uu saaran yahay nin qori ku hubeysan.

Ninkan, oo markii la dilay aan wadan dharka ciidamada, ayaa waxaa dilkiisa ka dhashay jahwareer, ayada oo markii hore la aqoonsan waayey waxa uu ahaa, maadaama inta badan Shabaabka aysan hubka ka baxsan bastooladaha ku qaadan gudaha Muqdisho.

Xog ay maanta heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qofka la dilay lagu magacaabi jirey Bashiir Maxamed Xasan, islamarkaana uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda gaar ahaan ilaalada guddoomiye ku-xigeenka degmada Kaaraan Sowdo Maxamuud Gaabow.

Si kastaba, maadaama xilliga la dilayey Bashiir uusan xirneyn dharka ciidamada, ayaa la rumeysan yahay inay tahay sababta keentay in ciidamada ay toogtaan.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in askartii dishay wiilkooda ay muddo saacado badan ah joogeen goobta ay wax ku dileen, isla markaana aysan jirin wax tilaabo ah oo laga qaadey.

Laamaha Amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, oo ay ka tirsanaayeen ciidamada askariga diley, ayaan weli wax faah-faahin ah ka bixin dhacdadan.

Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa bar kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala Degmada Shibis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this