Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo u Digtay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya, Fred Matiang’I, ayaa digniin culus u diray Maanta Al-Shabaab iyo Dadka gabbaadka siiya, si adagna ay ula dhaqmi doonaan haddii ay Gacanta ku dhigaan.

Wuxuu intaa ku daray Wasiirku in iyaga oo dhowraya xuquuqul Insaanka sharcigana ixtiraamaya, aysan sinnaba u kala sooci doonin cadowga iyo kuwa iyaga difaaca, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ballaaran oo ka saaran ilaalinta dalkiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay shir lagu gorfeynayey ammaanka oo ka dhacay Mombasa ayaa waxa uu faray saraakiisha Booliiska iyo gudddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka xeebta in ay soo xaqiijiyaan dadka ku nool degaannada ay ka arrimiyaan iyo aqoonsiyadooda, si loo garto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaaddeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this