Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Weeraray Buuraha Gobolka Sanaag Iyo Gaadiid Laga Gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanaag)-Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, weerar kooban oo shalay ka dhacday degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag.

Gaariga-la-gubay.jpg

Wararka halkaasi laga helayo, ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo u dhashay degaankaa, ay shalay weerar ku qaadeen Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta & mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed, kuwaasi oo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baadhayey buuraleeydaasi.

Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen Wasiir ku xigeenka & mas’uuliyiinta kale, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaadhi nooca loo yaqaan Land-cruiser Pick up “CABDI BILE”, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this