Deeq A. Posted January 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Ciidamadda booliska Soomaaliya ayaa agagaarka isgoyska Iskuulka Muqdisho ee degmada Shibis ku dilay nin hubeysan. Shaqsiga la toogtay ayaa la sheegay in uu watay dareeska ciidamadda iyo qori nooca loo yaqaano AK 47, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal. Ninka la dilay oo la socday Mooto Bajaaj waxay murmeen ciidamo ku sugnaa bar kontarool kahor inta aan lagu furin rasaasta, sida la sheegay. Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in marxuumka uu ka tirsanaa ciidamadda dowladda, wallow aanan la aqoonsan qeybta uu kamid yahay. Illaa iyo haatan, laamaha ammaanka wax war ah kama aysan soo saarin dilkaan oo habeenimadii xalay ka dhacay halkaas. Dowladda ayaa isgoyska Muqdisho waxay dib ugu soo celisay ciidamadda booliska kadib markii ay soo rogaal celiyeen weerarada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites