Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo loo sameeyay balanqaad ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay si buuxda uga taageereyso dhigeeda Kenya dagaalka xoogan ay kula jirto dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka dagaalamayay mudo ka badan toban sano, iyadoo  Kenya ay qeyb ka tahay wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee Al-Shabaab dagaalka kula jira.

Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa la tacaaleysa weerarada Al-shabaab, waxaana gudaha dalkaasi ka dhacay 11 weerar oo qasaare geystay bishii la soo dhaafay.

Si kastaba ha’ahaatee, safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Kenya, Kyle McCarter, ayaa xusay in Mareykanka ay ka go’an-tahay in Kenya ay si buuxda uga adkaato Al-Shabaab.

Sidoo kale, danjire McCarter wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in Al-Shabaab ay khatar ku tahay amaanka Geeska Africa, isla markaana loo baahan-yahay in si wadajir ah looga soo wada horjeesto.

Safiirka Mareykanka ee Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Mareykanka uu yahay dalka dagaalka ugu culus kula jira Al-Shaabab, maadaama diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Warka kasoo yeeeray Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xili todobaadyo kahor Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero milatari oo Mareykanka uu ku leeyahay deegaanka Lamu ee woqooyi bari dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this