Deeq A. Posted January 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ee UN-ka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan, Adam Abdulmoula. Labada masuul ayaa kawada hadlay dhinacyada iskaashiga ee QM ay ka taageereyso Soomaaliya, arimaha bin aadanimada iyo qorshayaasha horumarinta qaranka. Sidoo kale, Adam iyo Cawad ayaa isla gorfeeyay hormarada ay ku tilaabsaneyso dowlada Soomaaliya iyo dhismaha hay’adaha dowliga. Abdulmoula ayaa sheegay in ay ka go’antahay taageero buuxda ay siiso Soomaaliya, isla markaana ay sidoo kale ka taageeri doonaan sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada soo aadan ee ka dhaceysa Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageertaa dhinacyadda muiimka ah ee amaanka, dhaqaalaha iyo arimaha bini’aadanimada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites