Deeq A. Posted January 16, 2020 Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Khamiis ah dhegaystaan khudbad jeedinta musharixiinta u tartamaya xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ay shalay si rasmiya u diiwaan-geliyeen 7 musharrax oo u tartamaya xilka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka cusub ee Galmudug. Saddex kamid ah musharrixiintaasi oo lagu kala magacaabo; Xil. Cabdullaahi Axmed Calasow, Xil. Abdinaasir Aadan Cusmaan iyo Xil. Maxamed Nuur Gacal ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha Wakiilada Galmudug. Sidoo kale guddoomiye kuxigeennada kowaad iyo labaad aya waxa u tartamaya u taagan Afar Musharax, waxaana qorshaysan in doorashada guddoonka Baarlamanka Galmudug ay dhacdo Jimcaha berriya. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites