Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakaaladda Biyaha Burco Oo Soo Bandhigtay Mashaariic Ay Hirgelisay Sanadkii Tagay+Deegaamo Ka Baxsan Magaalada Oo Ay Biyaha Gaadhsiisay.

Recommended Posts

Deeq A.   
Wakaaladda Biyaha Burco Oo Soo Bandhigtay Mashaariic Ay Hirgelisay Sanadkii Tagay+Deegaamo Ka Baxsan Magaalada Oo Ay Biyaha Gaadhsiisay.
Burco-(Qaran-news)-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud ayaa Madal balaadhan ku soo bandhigay Waxqabadkii ay ku Talaabsatay Wakaaladaasi Sanadkii tagay ee 2019 .
biyo1.jpg
Wakaaladda ayaa waxyaabihii u qabsoomay ee ay halkaasi ku soo bandhigtay, waxa ka mid ahaa Ceelal Biyoodo cusub oo ay ku soo kordhisay Ceelashii hore ee Magaaladu ka Cabi jirtay ,kuwaasi oo Suurtogaliyay in ay guud’ahaanba Xaafadaha Magaaladaasi Biyuhu wada gaadhaan.
Sidoo kale Wakaaladda ayaa Biyaha gaadhsiisay Sanadkii tagay Kaamamka Barokacayaasha oo ka Baxsan Xaafadaha Gudaha Magaalada Burco.

biyo2.jpg

Mida kale Wakaaladda ayaa halkaasi ku soo bandhigtay ,Xafiisyo Cusub oo ay dhisteen ,Mishiino  iyo Gaadiid cusub oo ay Wakaaladu soo iibsatay ,isla markaana ,Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Cabdixakiin Maxamed Maxamuud ayaa Xafladaasi ka cadeeyay in ay Wakaaladu iska bixisay Lacago badan oo Dayn ah oo Wakaalada lagu lahaa markii uu Xilka la wareegay ,waxaanu intaasi raaciyay in aaney jirin wax Dayn ah oo Wakaalada lagu leeyahay.
biyo3.jpg
Geesta kale Xafladan Wakaalada Biyaha Burco Waxqabadkeeda ku soo bandhigaysay oo ka dhacday Wakaaladaasi ayaa waxa Goob-joog ka ahaa Wasiirka cusub ee horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ,Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo Dadweynaha reer Burco.
Waxaaney Hoosta ka Xariiqeen Waxqabadka ay Wakaaladu ku talaabsatay.
Wasiirka ayaa Kormeer ku sameeyay Ceelasha cusub ee Wakaaladu Qodatay ,kuwaasi oo uu Xadhiga ka jiary.
biyo4.jpg
Waxa Xusid mudan Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa ah Magaalo Hodan ku ah ,Dhinaca Biyaha ,marka loo Eego Magaalooyinka kale ee Somaliland.
Mahad Faarax
Qarannews Burco.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this