Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin waxa uu ahaa lagu jahwareersan yahay oo caawa lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa lagu dilay nin la socday mooto bajaaj, kaasoo sida la sheegay hubeysnaa.

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ninkan ku toogtay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis, wax yar uun ka dib, markii uu askarigaasi arkay in mootada uu saaran yahay nin qori ku hubeysan.

Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa bar kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala Degmada Shibis.

Goobjooge ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku hubeysnaa qori AK47, isla-markaana aanu wadan wax dareys ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona ambulance goobtaasi looga qaaday meydka ninkii la dilay.

Ma cadda in ninka la dilay uu askari ahaa, inuu Shabaab ahaa, iyo inuu ka tirsanaa qowleysata xilliyada habeenkii dadka teleefanada gacanta uga qaata Magaalada Muqdisho, waxaana aqoonsiga ninkaas ka taagan jahwareer.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Caasimadda Muqdisho ku soo badanayay kooxaha hubka fud fudud ku hubeysan, ee xilliyada habeenkii furashada u gaysta shacabka ku dhaqan magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this