Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciyo cusub + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 31-aad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020 uu Golaha Shacabka ku yeeshay xarunta Golaha, kaasoo Ajendahiisu ahaa u codeynta Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka iyo u Codeynta Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka.

kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa soo jeediyey Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan.

Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka Waxaa u codeysay 141 Xildhibaan.

Labada Sharci sidaas ayaa Golaha Shacab ku ansixiyeen.

Shacigani wuxu abuurayaa hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya oo ilaalin doonta tayada alaabooyinka la dhoofinayo iyo kuwa loo soo dhoofinayo dalka. Waxa kale oo uu fududeynayaa in Ganacsigeena si fudud loogga aqbalo suuqyada Gobalka, kuwa Carabta iyo Caalamka ba.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaaho Cali Xassan ayaa uga mahad celiyay xildhibaanadda Golaha Shacabka u codeynta sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhawrka.

golaha-shacab5.jpg golaha-shacabka4.jpg golha-shacbka1.jpg shacabka2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this