Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergay sare oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan dalalka geeska Africa danjire Onanga-Anyanga ayaa soo gabagabeeyey booqasho uu ku joogay M/ Muqdisho.

Intii uu ku sugnaa Caasimadda danjiraha ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, safiiro caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Ambassador Onanga-Anyanga ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ay ka wada hadleen qodobo ku saabsan doorashada soo aadan ee ka dhaceysa Soomaaliya.

Ergeyga ayaa ballan qaaday in QM ay si buuxda uga taagereyso dowladda Soomaaliyeed inay si nabdoon oo xor iyo xalaal ah u qabsoonto doorashadaasi..

Ugu dambeyn wuxuuu tilmaamay in uu bogaadinayo, islamarkaana uu soo dhaweynayo nidaamka axsaabta badan ee la filayo in lagu tartamo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this