Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo toogasho ku fulisay lix ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya M/ Hargeysa ayaa sheegaya in saaka Somaliland ay toogasho ku fulisay 6 ruux oo maxkamadaha maamulkaasi horay ugu rideen xukun dil ah.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay oo dhammaan hoostaga Somaliland.

Sidoo kale toogashada ayaa ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaalla gobolka Saaxil.

Lixda qof ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray:

1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax

2: Farxaan Maxamed Xasan

3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd

4: Ceydaruus Khadar Haybe

5: Khadar Aleel

6: Xasan Muxumed Cismaan

Falkaan toogashada ah oo ay Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii ugu horreeyey inta la xasuusto taariikhda casriga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this