Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ciidan kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo katirsan xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii lasoo dhaafay kala dhex-galay Labo Malleeshiya Beeleed oo dhowaan ku dagaallamay degaannada Mirxayleey iyo Bangeelle.

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxanay sheegeen in ay garab taagan yihiin shaqada ay wadaan Ciidankooda iyo in xal buuxa laga gaaro dagaalka.

Taliyaha Guutada 13-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybta 21-Aad Col; Cabdiraxman Macallin Maxamuud (Timadheere), ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin dagaal Beeleed halkaasi ka dhaca, haatanna ay xaaladdu deggen tahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this