Deeq A. Posted January 15, 2020 Booliska deegaanka Kitui ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay illaa 6 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi. Lixda ruux ee xabsiga la dhigay oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa ka yimid dhanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Booliiska ayaa magacyada raggaasi ku kala sheegay C/rashiid Maxamed, Maxamed Cali Barre, Deeq Maxamed, Salaad C/raxamaan, C/qaadir Xuseen iyo Maxamed Taka. Nicolas Mutua taliyaha Booliska deegaanka Kitui ayaa tilmaamay in dadka la qabtay ee Soomaalida ah aysan heysan wax lagu garan karo ama warqad cadeyneysa safarkooda. Sidoo kale wuxuu Nicolas Mutua tilmaamay in haatan raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Dowladda Kenya ayaa la tacaaleysa weerarada uga imaanaya dagaalyahannada Al-Shabaab oo kordhiyey howlgallada ay ka fuliyaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites