Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines Oo Duulimaad Ka Bilaabeysa Magaalo 2-Aad Oo Ka Tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa markii ugu horreysay duulimaad ka bilaabi doonta bisha soo socota Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

D-5.jpg

Wasaaradda Duulista Hawada ee Maamulka Puntland ayaa shaacisay in Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaadkii ugu horreeyay 3-da bisha labaad ee 2020 ay ka bilaabi doonto Magaalaa Boosaaso.

Sidoo kale Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa sheegtay in Ethiopian Airlines 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

15-kii bishii July 2019 ayey aheyd markii Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay si toos ah uga bilowday Duulimaadkeedii ugu horreeyay ee Puntland, iyadoona hada si toos ah ugu shaqeysa Magaalada Garoowe ee Caasimada maamul gobolleedka Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this