Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Soomaaliya oo kala dhex galay beelo ku dagaallamay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay kala dhex-galeen maleeshiya-beeleedyo ku dagaallamay  degaanada Mirxeyley & Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo  Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada la kala dhex-dhigey labada maleeshiyo Beeleed oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Col Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere) waxaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan.

Ciidamada ayaa haatan ku sugan goobihii ay ku dagaallameen labada malayshiyaadk waxaana Odayaasha iyo Waxgaradka degaanku ay wadaan dadaallo xal loogu raadinayo colaadda halkaasi ka aloosan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u kala dhex-galay laba malayshiya-beeleed oo ku dagaallamay degaannada Afbarwaaqo iyo Towfiiq kuwaasi oo markii dambe heshiis rasmiya la kala dhex dhigay.

PUNTLAND POST

The post Militariga Soomaaliya oo kala dhex galay beelo ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this