Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Erdogan Oo U Hanjabay Mucaaradka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Dowlada Turkiga ayaa cambaareysay burburka ku yimid wadahadallo la doonayay in xal nabadeed lagaga gaadho colaada ka taagan dalka Liibiya.

1579005163f2bed.jpg

War ka soo baxay madaxweyne Recap Tayyib Erdogan ayaa wuxuu digniin u diray hoggaamiyaha mucaaradka Janaraal Khaliifa Haftar.

Mr Erdogan ayaa tilmaamay hddii maleeshiyada ku sugan bariga ay isku dayaan weerar ka dhan ah magaalada Tripoli ciidanka Turkiga ay cashar u dhigi Doonaan.

Waxaa diyaar u nahay dowlad ahaan in aa ka shaqeyn nabada walaalaha yaga Liibiya, mana ogolaan doono dagaal sokeeye in uu sii socdo ayuu yidhi Erdogan.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii Khaliifa Haftar oo ah janaraal howlgabay uu diiday in saxeexo waan waan nabadeed oo dhinacyada Liibiya ku dagaalamaya loogu qabtay magaalada Moscow.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this