Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqsiyaad Loo Haysto Burburka Diyaaradii Ukraine Oo Lagu Xidhay IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Waaxda garsoorka Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga dhigtay shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen diyaaradii dadka badan ay ku dhinteen ee ku burburtay caasimada Tehraan.

15790304303d9e5.jpg

Toddobaadkii hore ayaa diyaarada Ukraine ay ku burburtay gantaal ku dhacay, waxyar uun markii ay ka duushay madaarka Imaam Khumeyni.

Afhayeenka xukuumada Tehraan Mr Qulaam Xuseen Ismaaciili ayaa xaqiijiyay in ay xabsiga dhigeen dhowr qof si baadhitaan loogu sameeyo walow uu diiday in uu sheego Magacyadooda.

Diyaarada Ukraine ayaa waxaa ku dhintay 176 ruux oo ahaa rakaab iyo shaqaale xilli ay ku sii jeeday magaalada caasimada ah ee Kyiv.

Inkastoo Iiraan markii hore ay sheegtay in cilad farsamo ay u burburtay diyaarada ayaa hadane maalmo kadib ay qiratay in ciidankeeda ay soo rideen waxaana arintaasi ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Dowlada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this