Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Kahor Yimid Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, Yuusuf Xirsi Barre ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay wareegto xilka looga qaaday oo xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay Xirsi in madaxweyne Xaaf aanu xilligan xilna cid u magacaabi karin, cid kalena aanu ka qaadi karin, maadaama Galmudug ay hadda ku jirto xaalad kala guur ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Duqa Gaalkacyo in isaga uu weli si sharci ah xilkan u hayo, wixii kasoo harana ay tahay hadal shaqsi uu iska yiri, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xaaf ayaa wareegtadiisii xalay ku sheegay in uu xilkii ka qaaday mas’uuliyiinta maamulka magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena uu kala diray golaha deegaanka ee degmadaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this