Sign in to follow this  
Deeq A.

Galka Baarista oo shaaciyey xogta qaraxii Ex-Control iyo sida loo fuliyey (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa shaaca ka qaaday goobta lagu soo farsameeyey, halka lasoo marsiiyey iyo inta maalmood ee la qorsheynayey qaraxii dadka badan lagu laayey ee 28-kii bishii December ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Galka Baaristu waxa uu soo bandhigay in gaariga qarxay oo ahaa mid xamuul ah lagu soo diyaariyey deegaanka Buula-fulaay oo dhaca xudduuda gobollada Shabeellada Hoose iyo Bay.

Maalintii Sabtida ee uu dhacay qaraxaas iyo maalinka lagu soo rakibay deegaanka Buula-fulaay, waxaa u dhaxeysay lix maalmood, waxuuna xog ka helay Barnaamijkan halka uu soo maray gaariga qarxay.

Baabuurkaas markii uu ka soo dhaqaaqay Buula-fulaay waxa uu soo maray Tooratoorow iyo Jannaale, waxuuna wadada weyn ee laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Shabeellada Hoose uga soo dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.

Gaarigaasi waxa uu ka soo gudbay Buundada Afgooye oo ah meesha ugu horreysa ee baaritaanka ay ku soo maraan gaadiidka ka yimaada Shabeellada Hoose, waxuuna baahiyey Barnaajimku in laamaha sirdoonku ay su’aalo ka weydiiyeen askartii ku sugneyd Buundadaas, sida uu ku soo dhaafay gaarigaas, balse waxaa soo baxday in askartaasi aysan heysan qalab ay ku baaraan gaadiidka xamuulka ah.

Ilo sirdoon oo uu soo xiganayo Barnaamijkan waxay u sheegeen in saacado ka hor inta uusan qaraxu dhicin gaarigan uu ku sugnaa duleedka magaalada Muqdisho.

Daqiiqado uun ka hor 8:00 am maalinkii Sabtida ruuxa nafti haliga ah oo si is-daba joog ah u helayey xogta gaari HILUX ah oo ay la socdeen labo Injineer oo Turkish ah ayuu abaaray isaga oo xowli u socda, xilli uu gaarigaas uu yari marayey isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho.

Goobtu waxay aheyd xilligaas mid mashquul badan, gaariga la beegsanayey waxa uu ka baxay Muqdisho, waxuuna ku sii jeeday duleedka koonfureed ee Muqdisho, oo dhismaha wadadu ay ka socotey, gaariga qarxay oo ahaa mid xamuul ahna, waxa uu isgoyska ka soo galay dhankii uu u socday gaarigii la beegsanayey oo ah wadada koonfur uga baxda magaalada ee aada gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxaas waxaa ku dhimatay 81 ruux oo badankood ahaa dad shacab ah, waxaana ku dhaawacantay in ka badan 140 qof, dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Injineeradii la beegsanayey oo ka soo jeeday dalka Turkiga, kuwaas oo ahaa labo nin iyo ilaaladoodii.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhan

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Galka-Baarista.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this