Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuruudaha Musharrixiinta Guddoonka Baarlamanka Galmudug oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug, ayaa maanta shaaciyay Shuruudaha laga doonayo musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Wakiilada Maamulkaasi.

Shuruudaha Guddiga waxa kamid ah; in qofka tartamaya leeyahay tacliin gaarsiisan Shahaado jaamacadeed ama waaya-aragnimo u dhiganta iyo in uu leeyahay ugu yaraan 5 sano oo waaya-aragnimo hoggaamineed iyo mid maamul ah.

Sidoo kale, Shuruudaha waxa ku xusan in Tartamuhu uusan gelin fal-dambiyeed uu ku mutaystay xukun maxkamadeed iyo in uu Guddiga Doorashada u soo gudbiyo Taariikh nololeedkiisa.

Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka Galmudug, ayaa laga doonaya in ay barnaamijyadooda siyaasadeed u soo bandhigaan xildhibaannada cusub ee Galmudug ka hor inta aysan dhicin Doorashada Guddoonka.

Dhinaca kale, Musharixiinta Guddoomiyaha, ayaa laga rabaa in ay bixiyaan lacag dhan $ 10, 000 Dollar, Musharrixiinta Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa Iyana laga doonaya $5,000 oo Dollar, halka kuwa Guddoomiye ku xigeenka labaadna laga rabo $2500 oo Dollar.

1-17.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shuruudaha Musharrixiinta Guddoonka Baarlamanka Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this