Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Musharax Tuuryare oo gaaray Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusoomareeb (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimo ee maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaas.

Tuuryare iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay gudoomiyaha dagmada Dhuusmareeb Macalin Nuur Axmed, 43 ka tirsan xildhibaanada cusub ee Galmudug, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah salaadiiinta dhaqanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb galay guddoomiyaha dhalinyarada Dhuusamareeb Axmed Careys iyo saraakiisha kala duwan ee maamulka Galmudug.

Musharaxa waxaa xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha, waxaana qudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyiintii kasoo qeyb gashay.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad doorashada madaxweynanimo ee Galmudug, waana musharaxa kaliya ee aan ka mid aheyn musharaxiinta ay kala taageerayaan dowladda iyo xisbiyada Mucaaradka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa si xawli ah uga socda ololaha doorashada Galmudug, waxaana gaaray dhamaan musharaxiinta u taramaya xilka madaxweyne.

82419451_2551183354950415_31643227044257 82369646_2847755801987370_36244925528554 81938079_2855664164653398_78584763941985 82075741_2392250457547857_24288094819713 82995003_1534578263374646_54324027978049 83538506_1161595620840794_87726546383494 82357486_1066561757014533_88704355345524 83445391_913021119094842_821004947201772 82444804_623192641766137_531758281715089 82440771_605239813353967_233788194911839 82005925_478570106187845_639321117976585 82821932_309856006628438_106544928153350

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this