Deeq A. Posted January 14, 2020 Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo galbinayey Injineero Turki ah oo dhismo ka wada waddada Muqdisho iyo Afgooye. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay hal qof, mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo ahaa dad rayid ah. Dr Amiin Sama Kaab oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/cod-cabdiqani-qaraxa.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites