Deeq A. Posted January 14, 2020 Wararka naga soo gaaraya Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab laga dareemayo gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow oo shalay ay si nabdoon kula wareegeen. Ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaasi waxa ay ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku soo qabteen sida la sheegay madaxii Garsoorka ee dagaalyahannada Al-Shabaab. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaas oo 75 KM ujira degmada Awdheegle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi. Tooratoow oo ah deegaan istiraatiiji ah ayaa in muddo ah waxaa gacanta ku hayey Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla maxkamado iyo goobo ay lacago ku qaadaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites