Deeq A. Posted January 14, 2020 Shirweyne looga hadlayo arrimaha fatahadaha iyo saameynta ay reebaan ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shirka oo socon doono muddo hal maalin ah ayaa waxaa kaqayb galaya madaxweynayaasha Koonfur Gableed, HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa shirweynahaan goob joog ah safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socda beesha caalamka Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga tashan doonaa sidii xal waara loogu heli lahaa fatahadaha ay sameeyaan wabiyada Shabelle iyo Jubba. Qabsoomida shirkaan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites