Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay G/ Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Mirxaley oo u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaqo iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed ayaa yimid, kadib markii ay isku qabeen labada dhinac barkad biyood laga qodayey deegaankaasi.

Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this