Deeq A. Posted January 14, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Mirxaley oo u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaqo iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed ayaa yimid, kadib markii ay isku qabeen labada dhinac barkad biyood laga qodayey deegaankaasi. Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac View the full article Share this post Link to post Share on other sites