Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda DP World Oo Ku Guulaysatay Dacwadii Ka Dhexeysay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh.

2020114637145680069689938.jpg

Maxkamaa Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama laba bilood gudaheed ku bixiso magdhow.

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si khasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekedda Doraleh bishii Feberaayo 2018.

Shirkadda DP World ayaa hadda ka sugaysa Jabuuti inay u hogaansaanto xukunkii sharci ee ugu dambeeyay.

22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this