Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo oo la kulmay safiirka cusub ee Cumaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Madaxweyne Farmaajo oo  halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer Suldaan Qaboos bin Saciid  oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey da’da 79 jir.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uu  Naxariista Jano in uu siiyo.

Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Madaxweyne.jpg Madaxweyne2.jpg Madaxweyne-3.png

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this