Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dib ula wareegtayTooratoorow & wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow oo ay shalay kula wareegeen si nabdoon.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanku xalay ay soo faarujiyeen deegaanka, islamarkaana ay dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa intii ku sugnaayeen Tooratoorow ayaa waxaa ka sameeyeen baaritaano lagu soo qab qabtay illaa 10 ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro Garsoore maxkamadeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ki daraya in dagaalyahannada oo aad u hubeysan ay isku ballaariyeen deegaanka, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gobolka Sh/ Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya laga dareemaya dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Tooratoorow ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo qiyaastii 75 km u jira degmada Awdheegle, waxaana Al-Shabaab ugu yaallay maxkamado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this