Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo shir u furay Koonfur Galbeed iyo HirShabelle + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Midowga Yurub, waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha labada maamul, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mr. Nicolás Berlanga Martinez iyo safiiro kale ayaa ka qeyb galay furitaanka shirkaasi.

Inta uu socdo ayaa waxaa looga hadlayaa horumarinta maamulada dariska ah ee Koonfur Galbeed iyo  Hir-Shabelle.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub iyo sidoo kale ka qeyb galayaasha.

Shirkaan oo qaadan muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in gabagabada laga soo saaro War-Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay.

Lama oga illaa iyo hadd sababta sida gaarka ah shirkaan loogu qabtay labadaan maamul oo xiriir xoogan haatan la leh dowladda federaalka, halka Jubbaland iyo Puntland oo ka maqan la oogsan yahay in khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.

55.jpg 22-1.jpg 33.jpg 44.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this