Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka oo dalkeeda ka eriday 21 askari oo Sacuudiy

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka oo dalkeeda ka eriday 21 askari oo Sacuudiyaan ah

 

mareykaneri.jpg?ssl=1

Dowladda Mareykanka ayaa Kow iyo labaatan askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga ka eriday dalkeeda, halkaas oo uu tababar uga socday.

Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga oo lagu magacaabo Mohammed Saeed Alshamrani, 21-jir uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah halkaas oo uu ku dilay.

Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah.

Saddex ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa ” fal aragagixiso”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this