Deeq A. Posted January 14, 2020 Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi. Ilo wareedyo ku sugan gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamadu gabi ahaan ay ka soo ruqaansadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dib u qabsadeen Al-Shabaab. Ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaasi ka sameeyey howlgallo ballaaran oo ay sheegeen inay ku soo qabteen madaxii Garsoorka ee dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Tooratoorow oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa 75 koonfur ka xiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites