Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan dowladda oo dil ka geystay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil nin da’ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Dilka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada nabad sugida ee ka howlgala magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, C/raxmaan Maxamuud Siigaale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka xilliga uu dhacayey ciidanku ay howlgal ka wadeen xaafado ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askarigii geystay dilkaasi, balse ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this