Deeq A. Posted January 14, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil nin da’ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Dilka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada nabad sugida ee ka howlgala magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, C/raxmaan Maxamuud Siigaale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka xilliga uu dhacayey ciidanku ay howlgal ka wadeen xaafado ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askarigii geystay dilkaasi, balse ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen dhacdadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites