Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Kenya oo la eedeeyey kadib weeraradii Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Booliska magaaladaasi ku eedeeyay in ay iska indha tireen xog sirdoon oo ku saabsan weerarkii ugu danbeeyay ee ka dhacay halkaasi.

Saddex Macalin oo ka howgalayay iskuulka Kamuthe ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen koox loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab,sida ay sheegeen Booliska dalkaasi.

Macalimiinta la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Caleb Mutangia Mutua 28 jir ahaa, Titus Sasieka Mushindi 29 jir ahaa, Samwel Mutua 29 jir ahaa iyo Joshua Mutua, 30 jira ahaa, kaas oo isagoo dhaawac ah baxsaday.

Sidoo kale 8-dii bishaan Janaayo afar caruur ah ayaa lagu dilay iskuul ku yaalla deegaanka Saretho oo ku yaalla meel ku dhaw xerada Dhadhaab.

Si kastaba ha’ahaatee Anab Subow Gure oo ka mid hoggaanka ururada haweenka ee degmada Gaarisa ayaa sheegtay in dhammaan weeraradii dhacay xogtooda la hayey, balse aysan masuuliyad dhameystiran iska saarin laamaha ammaanka ee deegaanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this