Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Jira In Al-shabaab Dib Ula Wareegeen Deegaanka Tooratoorow Ee Shabellaha Hoose?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii shalay ay ciidanka DFS la wareegeen deegaankaasi.

Baraha ay ku leeyihiin Internetka ayeey Al-shabaab ku sheegeen iney la wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya kama aanay hadal waxa ka jira in ciidankooda ka baxeen deegaanka Tooratoorow.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaan suurtagelin, kadib markii guddoomiyaha gobolkaasi ka jawaabi waayey wicitaannadeenna.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this