Deeq A. Posted January 14, 2020 Toora-Toorow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in lagu qabtay toban ka mid ah maleeshiyada Ururka Al-Shabaab. Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka oo ka dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ayaa bilaa dagaal shalay kula wareegay Deegaanka Toora Toorow, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka Danab oo hawlgal baaritaan ahaa ka sameeyay qaybaha kala duwan ee Toora Toorow ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen toban ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaa oo Garsoore Maxkamadeed uu ku jiro. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen toban nin oo ka tirsan Al-Shabaab, uuna ku jiro Gudoomiyihii Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, Macalin Abuukar. “Ciidamada waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan toban ka tirsan maleeshiyada argagixisada, oo uu ka mid yahay Horjoogihii Maxkamadda Gobolka Shabellaha Hoose, Macalin Abuukar.” Ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha oo la hadlay Radiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay in Toora Toorow ay ku taalay maxkamaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, taasoo sida uu sheegay lagu baadi jiray shacabka Soomaaliyeed, iyadoo looga qaadi jiray buu yiri lacago baad ah. Gaashaanle Maalin ayaa ku waramaya inay sii wadi doonaan gulufka militari ee Ururka Al-Shabaab looga saarayo dhulka ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa isna sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgaladii Shabaab looga saarayay gobolkaasi. Ma cadda in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku sii nagaan doonaan Deegaanka Toora Toorow iyo in kale, xilli ay horey uga soo baxeen muddo dhawr sano laga jooggo, markii ay kala wareegeen Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites