Deeq A. Posted January 13, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamo kuwa Jubbaland ka mid ah oo howlgal ka waday duleedka Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan yare degan, iyadoona labada dhinac dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites