Deeq A. Posted January 13, 2020 Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare BFS a yaa manta gudagalay qodobbo la xiriiray Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Kulankii maanta oo ay soo xaadireen Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi , Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid xuseen Guhaad.waxa golaha hor-yimid Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda ku aadan akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites